Daawo: Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo oo Booqday Xarumaha Ciidamada Dowladda ee Degmada Luuq.

Masuuliyiinta ugu sareysa Maamulka Gobolka Gedo oo Socdaalo Shaqo maalmihii lasoo dhaafay ku joogay Degmada Luuq ganaane e Gobolka gedo, ayaa halkaasi kulamo kula qaatay maamulka Degmadaasi iyo Saraakiisha Ciidamada ee Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Canjeex iyo Gudoomiye Kuxigeenka Gobolkaasi Bakaal Kooke, ayaa shalay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo waxay kula kulmeen Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Masuuliyiintani ayaa ciidamada ku dhiiragaliyay in ay laba lixaadaan hawlgalada iyo Dagaalka ay shabaabka kaga soo horjeedaan ee Gobolkaasi ka jira.

Dhinaca kale waxay u balan qaadeen in ay heli doonaan dhawaan Xuquuqdii ciidan ee ay lahaayeen sida mushaar toos ah iyo agabyadii kale ee ay u baahnaayeen.

Ciidamada iyo Saraakiisha Hogaamisa ayaa dhinacooda Muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin in ay la kulmaan Masuuliyiinta Maamulka gobolka oo ku booqday Xeryahooda,iyagoo tilmaamay in masuulyiintani ay yihiin maamul heer gobol kii u horeeyey ee ay la kulmaan.

luuq

luuq2

luuq3

luuq4

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.