TOP News: Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiir Gaashaandhigga oo Bari ku Wajahan Magaalada Kismaayo……

Wafdi uu Hogaminaayo Wasirka Difaaca janaraal Diini ayaa lagu wadaa Maalinimada Barito ah in ay u duulaan Magaalada Kismaayo.

Wafdiga Diini waxaa kamid ah Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Cali Xasan looyaan Cali Madoobe, Raisal Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiwaaxid cilmi Goonjeex, Siyaasiga Cabdi Shire, iyo Masuuliyiin  kale,

Diini iyo Wafdigiisa ayaa kismaayo u tagay Qaabkii awood qeybsi sax ah uu uga dhici lahaa Jubaland, iyadoo kulamadani ay wadaan korjoogtane ka noqon doonaan xubno ka socda beesha caalamka oo uu kamid yahay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.

Xubno kale ayaa gadaal kaga birii dono wafdiga wasiirka waa hadii siyaasiyiinta hogaamineysa maamulka Jubba ay daacad ka noqdaan nidaamka awood qeybsiga, kuwaas oo uu hogaamin doono Xildhibaan Magan ayna qeyb ka noqon doonaan Maxamed Cabdi Kaliil iyo Siyaasiyiin kale.

 

Wixii kusoo kordha Safarka Wasiirka adinka ayaa ugu hormaqli doona Insha Allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.