XOG : Maxaa Sabab u ah Xiriirka Xumaaday ee ka Dhaxeeya Puntland iyo Axmed Madoobe…..

Xiriirka Maamulka Puntland iyo Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa aad u xumaa tan iyo intii uu Madoobe Shirkii Muqdisho ee Hiigsiga uu Aqbalay in nidaamka 4.5 lagu soo xulo Baarlamaanka, arintaas oo dhabar jab ku aheyd beesha Daarood ee uu kasoo jeedo.

Iyadoo uu Xiiir xumada Halkaasi kasoo askumay ayuu hadane Axmed Madoobe wuxuu Magaalada Kismaayo  ku xirxiray laba Duubab dhaqan oo kasoo jeeda Puntland oo midne uu ahaa Suldaanka Harti ee Deegaanada Jubba, kan kalane uu ahaa Nabadoon jifo ka tirsan Beesha Majeerteen.

Banaanbaxyo looga soo horjeedo xariga Madax dhaqameedkaasi ayaa ka dhacay Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, kuwaas oo looga dalbanayay Axmed Madoobe in uu Xoriyadooda dib ugu soo celiyo Waxgaradka uu Kismaayo ku xirxiray.

Wali wax jawaab ah kama soo bixin dhinaca Maamulka Axmed Madoobe oo ku aadan Dalabka Waxgaradka soo deyntooda lagu dalbanaayo,

Puntland oo horay beelo badan oo Soomaaliyeed ugu dakanowday Axmed Madoobe dhismihiisa, ujeedka ay laaheydne ay aheyd in ay ku ilashato  danaheeda, garabne uu u noqdo xiliyada lajoogo Masraxyada Siyaasadda, ayaa hadda ka qoomameyneyso taageeradii ay u fidisay Axmed Madoobe, kadib markii uu kasoko dhacay Ahdaaftii ay dhismihiisa kalahaayeen.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.