TOP News: Kenya oo Deegaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo ka Afduubtay laba oday oo Deegaanka si aad ah looga yaqaano.

kenya

Wararka ka imaanaya Deegaanka Caws-qurun ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Ciidama Kenya ay Deegaankaasi ka Afduubteen laba oday dhaqameed oo aad looga yaqaano Deegaankaasi.

Kenyanka ayaa labadani oday ka afduubtay deegaanka kuwaas oo si aad ah looga yaqaano deegaanka caws-qurun ee gobolka Gedo.

Caws-qurun oo hoostagta Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,ayaa laga afduubtay odayaashani dhaqanka kuwaas oo lageeyey Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyiga Bari ee dalkaasi Kenya.

Lama Oga sababta duubab dhaqameedyadani ay u afduubteen Ciidamada Kenya, inkastoo Goobjooayaal la hadlay Gedotimes oo kusugan deegaankaasi , ay u xaqiijiyeen in kenyanka ay maalmihii dambe deegaanada miyiga ah kawadeen bartilmaameed ay kula kacayeen indheergaradka Bulshada ee Gobolkaasi ku sugan.

Xaalada odayashani wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.