Barakacayaasha Ceelwaaq oo soo dhaweeyey Kaalmo lacageed oo ay ka heleen hay,adaha Concern iyo Life Line(Sawwiro)

bara

Boqolaal Qoys oo barakacayaal ah kuna sugan duleedka degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxay soo dhaweeyeen kaalmo lacageed oo bilahii ugu dambeeyey ay ka helayeen hay,adaha Concern iyo Life line oo ka howl gala Gobolka Gedo,iyagoo sheegayna kaalmadasaai lacageed oo ay ka faa,ideysteen dad gaaraya ilaa 300 oo ruux in wax weyn ay ka tartey Nolosha Qoysaskan Barakacayaasha ah .

Aden Cabdow Maxamed waa Aabe Qoyskiisu ay ka kooban yihiin ilaa 10 ruux,waxaana uu ka mid yahay Qoysas  7 bilood ka hor ka soo barakacay Magaalada Baardheere ,haatana ku sugan Xerada Qoryooley ee ku taala Duleedka degmada Ceelwaaq,waxaana uu uga mahad celiyey kaalmada lacageed ee ay ka helleen hay,adahaasi ,waxuuna ka Codsadey hay,adahaasi in ay sii wadaan kaalmooyinkaasi ,maadama muddo sanad ka badan ay kaalmo u fidinayeen dadka barakacayaasha ah.

Ma jiraan ayuu yiri wax kaalmo oo barakacayaasha ka soo gaarey hay,adaha samafalka,marka laga reebo hay,adda ICRC oo sheegtay in gar gaar raashin ay ka qeybin doonto deegaanka,balse  gargaarkaasi raashineed ayuu tilmaamay in aana laga qeybinin deegaanka.

Xeryaha Barakacayaasha ah ee ku yaala duleedka degmada Ceelwaaq oo gaaraya ilaa 6 xero ayaa xilligan waxaa ku jira dad lagu qiyaasay ilaa 3kun oo Qoys ,kuwaasi oo mudo haatan laga joogo ilaa  4 sano ay salkiciyeen Abaaro iyo Colaado ayaa waxay ka kala yimaadeen gobollada Gedo,Bay iyo J/dhexe .

Barakacayaasha Ceelwaa

barakacayaal

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.