Degdeg: Kulan Iminka Kismaayo uga Socda Saraakiisha Itoobiya iyo FARTAAG…….

far

Kulan albaababdu u xiranyihiin ayaa Magaalada Kismaayo uga soconaya Madaxweyne Kuxigeenka maamulkaasi Cabdilaahi Sheekh ismaaciil fartaag, iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Kulanka waxaa ku sugan Saraakiil itoobiyaan ah oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee Gobolada Gedo iyo Jubooyinka korneyl Satisfy iyo Madaxweyne Kuxigeenka Jubba Cabdulaahi Fartaag.

Kulanka ayaa ah mid Diirada lagu saaraayo hadal uu shalay baarlamaanka Maamulkiisa u jeediyey Axmed Madoobe oo ahaa in jagada Madaxweyne kuxigeenka uu beel kale u magacaabi rabo.

hadalkaasi ayaa xasaasiyad ka aburuay kismaayo, iyadoo ujeedadune ay aheyd in Axmed madoobe uu buuq ka dhexfuro beesha sade oo kursigaasi hada ku fadhida iyo beelo kale oo soomaaliyeed.

Itoobiya ayaa u aragta Axmed Madoobe mid siyaasadiisu ay isbadashay oo uu iyaga ka lug furtay kuna xirtay kenya, iyagoo arintaasi ka duulayane waxay qorsheynayaan in ay awodoeeyaan Cabdulaahi Fartaag oo ay iyagu horay meesha u keeneen, kaas oo ay u balan qaadeen in uusan shakhsi kale noqon doonin madaxweyne kuxigeenka Jubaland.

wixii kusoo kordha kulankaasi kala soco wararkeena dambe insha allah.

1 Comment

Leave a Reply to cirka Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.