Degdeg: RW Sharmaake, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad Sugidda oo gaaray Xarunta Baarlamaanka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali iyo wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya oo ay weliyaan taliyaasha NISA iyo booliska ayaa hortagay baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnahan ayaa baarlamaanka looga yeeray maalin shalay, kadib markii kulan gaar ah ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la weydiinayaa su’aalo dhanka amaanka ah.

Ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha la socday ayaa markii ay tageen golaha shacabka waxay dalbadeen in saxaafada banaanka looga saaro.

Buuq badan ayay markaasi kadib sameeyeen xildhibaanada baarlamaanka, wallow cod gacan taag ah loo qaaday in saxaafada kulanka laga saaro iyo iney sii joogaan,balse waxaa batay xildhibaanada doonayay in saxaafada banaanka loo saaro.

Intaasi kadib gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa amray in saxaafada banaanka looga saaro, waxaana sii socday kulanka albaabada u xiran yahay ee u dhaxeeya ra’iisul wasaaraha, wasiirkiisa amniga, taliyaha NISA iyo taliyaha booliska.

Xildhibaanada ayaa doonaya iney si dhab ah u ogaadaan cidda bixisay amarka lagu baaray xildhibaano baarlamaanka ka tirsan bishii February xili ay kasoo dagayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay xildhibaanada doonayaan iney wax badan ka ogaadaan habacsanaanta amaanka magaalada Muqdisho oo lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.