XOG: Maxaa kasoo baxay Kulankii Xalay Dhexmaray RW Cumar Cabdirashiid iyo taliye Tuuryare.

Wararka aan ka heleyno Saraakiil ka howlgasha dhanka Madaxtooyada Somalia ayaa sheegeysa in R/wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cabdirashiid uu kulan dhowr saac qaatay la yeeshay Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare isaga oo inta kulanka uu socday usoo jeediyay inuu ku dhawaaqo is casilaad.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in Sharmaarke uu Cabdiraxmaan Tuuryare u sheegay inuu ku fashilmay sugida amniga Gobolka Banaadir, sidaa aawgeedna laga doonaayo inuu iska casilo xilka, inkastoo Tuuryare uu ku gacanseeray soo jeedinta Sharmaarke.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Cabdiraxmaan Tuuryare uu R/wasaare Sharmaarke u sheegay in fashilka amni uusan aheyn dhanka NISA, balse uu yahay mid ka imaaday dhanka Wasaarada amniga loona baahan yahay in marka hore uu xilka ka qaado Wasiirka kadibna uu usoo jeediyo inuu is casilo.

Tuuryare waxa uu sidoo kale ku andacooday in weerar waliba oo ka dhaca magaalada Muqdisho Ciidamada ku dhamaada ay yihiin kuwa NISA taasina ay marqaati u tahay in amaanka magaalada ay NISA sugtay hayeeshee uusan garan karin waxa xiligaani lagu maagay.

Sidoo kale, xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in R/wasaare Cumar iyo Taliyaha NISA ay kulankaasi ku kala booden, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Sharmaarke uu Tuuryare ku wargaliyay in xilkaasi uusan mudneyn inuu sii hayo, isaga oo arrinta diidmada ahna u gudbiyay Xafiiska Madxaweynaha Somalia.

Docda kale, Taliyaha NISA Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa iminka garab ka heysta Madaxweynaha Somalia oo ay qaraabo dhow yihiin, inkastoo arrinka amni darro ee ka taagan magaalada Muqdisho ay isagu dhaceen Madaxweynaha iyo R/wasaaraha qudhooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.