XOG: Itoobiya iyo Kenya oo ku loolamaya Shakhsiga noqonaya Madaxweyne Kuxigeenka Jubaland- Gedo Times.

Dowladaha itoobiya ayaa kenya ayaa kuloolamaya shakhsiga loo magacaabi rabo dhawaan madaxweyne Kuxigeenka Jubaland oo laguw ado in dhawaan la magacaabo.

Kenya ayaa wadata Cabdirashiid indhakoreey, oo maalmihii lasoo dhaafay u janjeeray siyaasadeeda kuna shaqeynayay fikirka Dowladda Kenya.

Dhinaca kale itoobiya ayaa wacad ku martay in jubaland uusan Madaxweyne kuxigeen ka noqon doonin shakhsi aan aheyn Cabdulaahi Sheekh ISmaaciil fartaag, oo hadd aku simaha jagada madaxweyne kuxigeenka.

Inkastoo awal la oran jiray siyaasadda gobolka Itoobiya ayaa ku awood abdan, hadane kenya ayaa sanadihi ilasoo dhaafay kismaayo maamuleysay taasi oo u suuragalisay kenya in shakhsiyaad badan ay gobolkaasi xilal uga dhiibto.

itoobiya oo militiri ahaan kismaayo hadda jogota ayaa saamynta ugu badan kuleh soo magacaabidda maamulkasi xubnaha ka dhiman o oisugu jira wasiiro iyo madaxweyne kuxigeen.

Axmed madoobe ayey haysata alaba daran mid dooro oo ah in labadani dowladood uusan midkoodna ka maarmin inkastoo bilihii lasoo dhaafay uu is xijinayay Kenya oo kismaayo maamuleysay, hadane bacdamaa hadda labada ciidan ee labadaasi dowladood ay kismaayo kuwada suganyihiin ma cadda dhinaca uu u janjeeri doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.