Degdeg; Wasiirka Amniga iyo Taliyayaasha Ciidamada oo hadda gaaray Xarunta Barlamaanka oo uu kajiro fadhi aan caadi aheyn…….

War degdeg ah oo hada soo gaaraya warqabadka gedotimes ee Muqdisho ayaa sheegaya in wasiirka Amniga, taliyaha nabad sugidda iyo taliyaha Booliiska ay iminka gareen xarunt agolaha shacabka oo ay ka balansanaayen Usbuucyadii lasoo dhaafay,

Wasiirka iyo taliyayaasha ayaa waxaa u yeeray xildhibaanada Baarlamaanka kuwaas oo sheegay in ay doonayaan in ay wax kaweydiiyaan awaamiir la xiriirta in baarlamaanka labaaro marka ay xarumaha dowladda iyo garomada ka dhoofayaan.

sidoo kale waxaa wax laga weydiin doonaa amni darada maalmihii lasoo dhaafay ka jirtay magaalada Muqdisho, oo ay ugu dambeysay dhacdadii dadka badan ay ku nafwaayeen ee ka dhacday jimcihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho.

Baarlamaanka ayaa iminka bilaabay su’aala weydiinta, waxaana idiin soo gudbin doonaa hadba wixii kusoo kordha kulankani aan caadiga aheyn ee iminka ka soconaya xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.