Degdeg: Xildhibanada Baarlamaanka oo kulan kaleh waxa ay kayeelayaan Taliyayaasha ka baaqsaday in ay horyimaadaan.

Baarlamaanka soomaaliya ayaa hadda kulan kuleh xarunta golaha shacabka kulankaasi oo ah mid albaabadu u xiranyihiin.

Kulanka ayaa looga hadlayaa waxa laga yeelaayo taliyayaasha booliiska iyo nabad sugidda qooqorshuhu ahaa in iyaga iyo wasiirka amniga ay hortagaan si su’aalo looweydiiyo.

Taliyaaasha ayaan la ogeyn sababta ay ugu gooyeen balantii maanta ee aheyd in ay baarlamaanka hortagaan.

Wasiirka ayaa baarlamaanka hortagay iyadoo xildhibaanada ay sheegeen in aysan u baahneyn wasiirka oo kaliya balse muhiimadu ay aheyd in taliayaasha iyo wasiirkuba ay su’aalo wada weydiiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.