Xil Goodax Barre ” Baarlamaanka waa joojiyaa U yeertaanka Madaxda Dowladda Maadaama aan loo hogaansamin yeeristooda”…..

Xildhibaan cabdulaahi goodax barre oo ka hadlay kulankii baarlamaanka ee maanta ayaa sheegay ay haboontahay in ay iska dhaafaan u yeerida masuuliyiinta dowladda.

Goodax ayaa sheegay in sababta uu sidaasi u leeyahay ay tahay in hadalka baarlamaanka aan lasiin wax tixgalin taasi badalkeedane ay muhiim tahay in ay iska dhaafaan bacdamaa go’aanadooda aysan dhaqan gal aheyn.

Cabdulaahi goodax ayaa gudoonka ku canaantay in aysan laheyn wax go’aan ah maadama awaamiirtooda iyo codkoodaba aysan jirin cid u hogaansantay.

Hadalka goodax ayaa imaanaya xilli maanta barlamaanka taliyayaal ciidan oo ay u yeereen ay ka baaqsadeen in ay barlamaanka hortagaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.