XOG: Wasiir Diini oo Kismaayo ku wajahan Xilli aysan lasocon Si

diim

War goordhaw soo gaaray warqabadka gedotimes ee Muqdisho aya sheegaya in Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Sheekh Cali diini lagu wado in uu aado magaalada Kismaayo.

Wasiirka ayaa kali ku noqon doona safarka uu kismaayo ku aadaayo iyadoo aysan la socon dadkii qorshuhu ahaa in ay ka qeybgalaan shir kismaayo qorshuhu ahaa inuu kafurmo.

Diini oo maalmihii dambe aad u naasnuujinayay hogaamiyaha jubba axmed madoobe ayan la ogeyn waxa uu kismaayo la tagi doono bacdamaa aysan hareer socon siyaasiyiintii mucaaradsanaa maamulkasi sanadihii lasoo dhaafay.

Dhinacooda xiriir aan la sameyney siyaasyiinta mucaaradsan Axmed Madoobe ayey noogu xaqiijiyeen safarka Wasiirka, sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen in aysan iyagu iminka kismaayo u socon halkaas oo ay ku tilmaameen in ay tahay meel lagu ihaneysto beelweynta sade.

Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.