XOG: Dowladda Kenya oo Kaalin ku yeelatay Xarigii Dhawaan lagula Kacay Maamule Cali Xasan….

Waxaa soo baxaya warar la xiriria in xarigii dhawaan Magaalada Muqdisho loogu geystay Maamulihii shirkadda Isgaariinta Hormuud Xarunteeda Degmada Baledxaawo, ay ku lug leedahay Dowladda Kenya oo ay isticmaalayeen rag si gooni ah ula dagaalsanaa Masuulka.

Warqad dhawaan lagu dhex arkay xafiiska Hay’adda NISA oo lasheegay in ay aheyd tii lagu sooxiray maamule cali xasan ayaa waxaa saxiixyadii warqadaasi ka muuqday kamid ahaa taliska Ciidanka kenya ee ku sugan Magaalada kismaayo, kuwaas oo NISA ka codsaday in masuulkaasi loosoo gacan galiyo.

inkastoo dadaalo badan oo la sameeyey lagu guuleystay in masuulka uu xoriyadiisa dib  u helo hadane waxaa halisteeda leh qoraalka ay kenya k usheegeyso in cali Xasan uu shabaab xiriir laleeyahay arintaas oo ah mid aan sal iyo rad toona laheyn ayna faafiyeen Shakhsiyaad uu kamid yahay cabdirashiid indhakoreey oo kaalinta ugu weyn kulahaa xariga lagula kacay masuulka.

Dhinaca kale xildhibaano iyo Masuuliyiin dowladeed oo ay isku hayb yihini cali xasan ayaa wacad ku maray in aysan kenya kaga hari doonin falkaas wuxuushnimada ah ee iyagoo AMISOM sheeganaya hadane faraha kula jira siyaasada gudaha ugana sii gudbay mida qabaa’ilada ka dhex jirta.

Sikastaba waa fal fuleynimo in muwaadin lagula dagaalamo maxaad u nooshahay, waana arin saameyn ku yeelan doonta kenyanka Gedo iyo jubooyinkba ku sugan hadii aysan faraha kala bixin siyaasada beelaha iyo jifooyinka ka dhex jirta ee ay ku dhex milmeen sanadihi lasoo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.