TOP News: Kenya oo qiil u sameyneysa In Ciidamo ka socda Dalkeeda oo Horleh la geeyo Gedo kadib………

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa weydiistay wadamada Africa iney ciidamo dheeraad ah usoo diraan dalka Soomaaliya si ay qeyb kaga noqdaan dalalka howlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab u jooga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya kaliya ku sugan yihiin deegaano badan oo Gedo ka tirsan laguna guul dareystay in ciidamo kale oo AMISOM ah loo diro gobolka Gedo.

Uhurru Kenyatta wuxuu sheegay in gobolka Gedo uu yahay halka Alshabaab ka qorsheeyaan weerarada ka dhaca deegaanada dhanka xuduuda, ayna muhiim tahay in ciidamo ka tirsan AMISOM la geeyo gobolkaasi.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay kulankii madaxda ciidamada ka joogaan Soomaaliya ku yeesheen dalka Jabuuti, kaasi oo dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti.

Kenya ayaa weerar xun kala kulmay Alshabaab bartamihii bishii Janaayo, kadib markii Alshabaab ay weerareen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.