Axmed Madoobe ” AMISOM Daacad kama ahan Hawl-galka ay Soomaaliya ku joogto”

madoobe

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo, ayaa si dareen leh kaga hadlay marxaladda adag ee dalku uu ku sugan yahay.

Madaxweynaha oo walaac ka muujiyay xaaladda adag ee dalku uu maraayo, ayaa sheegay inaanan horumar lagu tallaabsan karin, haddii anu wax amni ihi jirin.

“Nolol, nidaam, maamul, kala dambeen, horumar intaba midna lama gaari karaayo, haddaanan amni jirin. Arrinta amniguna waxaad mooddaa maalmahaan inay aad u sii hallaabeyso wadanka Somaliya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha oo walaac ka muujiyay daacadnimada Amisom, ayaa yiri “Iyadoo ciidamo tiro badani ay jooggaan, iyadoo la leeyahay waxaasaa amniga ku baxa, iyadoo qaraash badan laga hadlayo, hadana waxaad mooddaa maalin walba amnigu uu gacanta ka sii baxaayo, uu sii hallaabaayo. Dhibka waxaan is leeyahay inta badan Soomaalidaa lug ku leh. Sababtoo ah Soomaalidu inay weligeyd sugto oo ay tiraahdo ciidamo shisheeyaa sugeynaa, inay wax noo qabtaan baan sugeynaa, inay meel na gaarsiiyaan baan sugeynaa, inay amnigayaga suggaan baan sugeynaa, waa arrin iska adag weeye. Inay iyadu xisaabtanto, isu tashato, isu xisaabtanto, ciidankoodu in la abaabulo, laga shaqeysiiyaa haboon.”

Mar uu dhaliil u jeedinaayay Beesha Caalamka wuxuu yiri “Qolyahaan Beesha Caalamku waxaad mooddaa laba xaaladood labadaba. (1) inay ka gaabinayaan dhismihii ciidankii Somaliyeed. (2) in ciidanka Amisom ee joogga laftirkiisu dhaqaalaha uu u baahnaa iyo tabashadooda iyada lafteedu aan la buuxinin, laguna daba-gelin hawlgalkoodii iyo sidee u dhaqaaqi lahaayeen.”

Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbaland, ayaa Dowladda Dhexe Somaliya iyo Maamul Goboleedyada ugu baaqay inay iyagu isu tashadaan, waxna la’iska weydiiyo xasiloonida dalka.

“Sidaasi daraateed anigu waxaan oran lahaa Somaliya masuuliyadda ha ugu horeyso Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyaduba inay isu xisaabtamaan, oo bal amnigu dib la’isu weydiiyo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha oo baaq u jeedinaayay shacabka Somaliyeed wuxuu yiri “Shacabka Somaliyeed shalay waxaad arkeyseen Baydhabo xasuuqii ka dhacay, dad ciyaaro fiirsanaayay baa 26 dhimasho ah iyo 60 dhaawac ah. Maxay sameeyeen? Waxay sameeyeen kubadda cagta bay fiirsanaayeen.”

Axmed Maxamed Islaam oo si kulul u weeraray Ururka Al Shabaab waxaa uu yiri “Waxay u baahan tahay nimankaani waa cadow, in si toosa cadownima ah loola dagaalamo. Dhibka na haysto waxaa weeye qabyaaladdii baa inta ay naga badatay, yaa maanta kii Shabaab ah ee la soo qabto, tollaayeey, yaa reer hebela, annaa la iijeedaa, reer hebel baala wataa, qiil iyo waxaa loo raadinayaa in la sii daayo. Markuu ku dilaayo, reer malaha, arxan malaha, waxba isuma dhaxeysaan. Marka la qabtana waxay noqotay kaarka in la isticmaalaayo. Taas waxaan oran lahaa shacabka iyo siyaasiyiinta haka waantoobaan.”

Axmed Madoobe waxaa uu soo jeediyay in Dowladda Somaliya & Maamul Goboleedyaduba ay ka maarnaan Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, meelaha ay Amisom ku sugan tahayna lagu wareejiyo ciidan Somaliyeed, oo ilaaliya xarumaha Madaxda Somalida, laga billaabo Aqalka Madaxtooyada (Villa Somalia).

“Tallo ahaana waxaan ku soo jeedin lahaa Dowladda Federaalka ha noqoto ama Dowlad Goboleedyada ha noqotee, in kuligood laga qaado ciidamada Amisom ee waardiyeeynaaya, oo qolo walba ay iyadu is waardiyeeyso. Bal horta hala ogaado amnigu waxa uu yahay iyo see tahayee. Laga billaabo Villa Somalia in laga qaado ciidamada Amisom ee joogga, oo la yiraah ciidan Somaliyeed oo idin waardiyeeya dhista, oo ciidan Somaliyeed oo waardiya ah hala saaro.” Sidaasi waxaa yiri Axmed Madoobe.

Madaxweyne Madoobe waxaa uu intaa ku daray “Macnaha midda ka imaan karo waxaa weeyaan, bal horta in la ogaado amniga, laakiin nin walba haddaan niraahno intaasoo ciidanaa igu hareereysan, oo intaanaa i waardiyeeynaysa, dee amniyaa u baahanahay ma jiro.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.