Dhageyso: Maamulka G, Gedo oo Ka Warbixiyay Howal Gal Laga Sameyay Bardhere.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo Sheekh Max’ed Xuseen Al Qaadi . ayaa sheegay in kulan ammaanka looga hadlayo Magaalada Baardheere ay ku wada qaateen Saraakiisha AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo tilmaamay in diiradda ay ku saareen kulankooda howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al Shabaab.

Isgaoo sii hadlayay ayaa waxa uu Xusay in ay isku raaceen dar dar gelinta la dagaalanka Xarakada Al Shabaab iyo sugida nabad gelyada deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo Sheekh Max’ed Xuseen Al Qaadi ayaa tilmaamay in kulankani uu daba joogay kulamo ay Saraakiisha labada dhinac ku yeesheen iyo sidoo kale tallaabooyin ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka horay u qaadeen kuwaas oo ku aadan deegaanno ay ka sifeeyeen Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadeen Ciidamadada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ka socdeen deegananop iyo degmooyin hoostaga Gobolka Gedo kuwaas oo ay ku doonayeen in ay kula wareegaan goobahaasi oo ay ka arrimiyeen Ururka Al Shabaab.

Halkan Ka dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.