Dhageyso: Wasiiro iyo Xildhibaano Garay Magaalada Baladweyne

Xildhibaan Maxa’ed Cumar, oo ah Habdhowraha Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa ka warbixiyay Safar Wafdi ka socda Dowladda uu Maanta ku gaarey Magaalada Beledweyne, ee xarunta Gobolka Hiiraan, isagoo xusay in xubnaha ku jira Wafdigaasi ay kamid yihiin Wasiirka Kalluumaysiga & Kheyraadka dalka Ceymooy iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

Isgaoo sii wata Hadalkiisa, ayaa waxa uu Xildhibaan Maxa’ed Cumar ku tilmaamay Safarka ay ku tageen Magaalada Beledweyne inay Kulamo la qaateen Shacabka Gobolka Hiiraan, islamarkaana ay qiimeyn ku samaayaan aragtidooda ku aadan Shirka Jowhar.

Wuxuu xusay in Mudada ay joogaan Beledweyne, ay xooga saari doonaan inay Shacabka Gobolkaasi kuu qanciyaan ka qeyb-galka Shirka & Taageerida Shirka Maamulka loogu dhisayo Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.

Shirka Malaagada Jowhar oo ay hareeyeen Khilaaf ku aadan dhanka awood qeybsiga, ayaa la filayaa in todobaadyada soo socda dib loo furo, si Maamul loogu dhiso Goboladaasi kahor Doorashada dhamaadaka sanadkan 2016

Halkaan Ka dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.