Dhageyso: Askartii Ku Geriyotay Werarkii Xalay oo Aas Qaran Muqdisho Logu Sameyay.

Askartii Xalay ku geeriyootay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil intaba.

Illaa 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed oo weerarkii xalay ku dhintay ayaa maanta lagu aasay Magaalada Muqdisho kuwaas oo masuuliyiintii Aaskooda ka qeyb gashay ay ku tilmaameen Geesiyaal naftooda u huray umadda Soomaaliyeed.

Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in 4 Askari haddii aysan ka hortagi lahayn weerarkaasi ay dhibaatada inta haatan ay gaarsiisantahay ay ka badan lahayd, wuxuuna u tacsiyeeyay ehellada 4 –taas Askari ee ka geeriyootay Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed.

Weerarkii xalay ayaa lagu tiriyay mid ka mid ah weeraradii ugu xooganaa oo ka dhacay Magaalada Mudisho iyadoona daryankiisa laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho.

Halkaan Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.