Dhageyso: Xildhiban, Ciidamada Xaquuqdoda Hala Siyo Markaas Ayay Amniga Sugayaan.

Xildhibaan Max’ed Macallin Jiis oo ka  mid ahaa Baarlamaankii KMG kana mid ahaa dadkii ku sugnaa Hoteel Muna  xilliga weerarkii xalay uu dhacayay ayaa sheegay in dayac xoogan uu ka jiro ammaanka Magaalada Muqdisho arrintaas oo masuuliyadeeda lagu eedeeyay madaxda hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Mudane Max’ed Macallin Jiis ayaa xusay in Ciidanka dowladda ay inta badan baaritaanno ka sameeyaan inta badan waddooyinka Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay suura gal ahayd in la ogaado abaabulka qorshaha qaraxaasi xalay ka dhacay Muqdisho.

Xalay ayaa weeraro u badnaa Qaraxyo Gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay loo adeegsaday uu ka dhacay Magaalada Muqdisho kuwaas oo masuuliyadooda dusha u riteen Xarakada Al Shabaab.

Halkaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.