Dhageyso: Maamulka Isbitaal Madino” Waa Ay Korartay Dhimashada Dadki La Kenay Isbitaalka

Tiro dhaawacyo ah oo wax ku noqday weeraradii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa  ayaa la gaarsiiyay Isbitaalada Caafimaadka.

Madaxa Caafimaad Isbitaalka Madiina Drs Duniyo Max’ed oo la hadashay Idaacadda Shabelle ayaa sheegtay in 33 qof oo dhaawacyo kala duwan la keenay Isbitaalkaasi  kuwaas oo qaar  ka mid ah ay dhinteen, 6 ka mid ahaana dhaawacooda uu ahaa mid fudud  guryahooda loo celiyay halka 22 kalana  ay Iminka Jiifaan Isbitaalka.

Isbitaalka Daaru Shifaa ayaa isna la gaarsiiyay illaa 22 qof kuwaas oo iyana qaarkood xaaladooda oo wanaagsan aawgeed guryahoda ay ku noqdeen.

Mid ka mid ah dadka dhaawacyada kala kulmay weerarka oo Shabelle ay kula kulantay Isbitaalka Daaru Shifaa ayaa sheegay in gaari uu la socday xilliga wax dhacayeen ayna indhihiisu qabanayeen tiro dad ah oo ku dhintay weerarka iyo dhaawacyo kale intaba.

Inta badan dadkii wax ku noqday weeraradii Xalay ayaa la sheegay in ahaayeen dad rayid ah.

Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.