TOP News: kenya oo lacag badan Dul dhigtay Saraakiil Ka tirsan Alshabaab.

Dowladda Kenya, ayaa waxa ay lacag dul dhigtay Madaxyada rag ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo Kenya ay sheegtay inay ka dambeeyeen weeraro ka dhacay Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Afarta ruux oo Kenya ay sheegtay inay Shabaab ka tirsan yihiin ayaa la dul dhigay lacag gaaraysa 8million oo shilinka Kenya, iyadoo lacagtaan la siinaayo cidii keenta macluumaadka ku saabsan Afartaan nin.

Kenya waxa ay sheegtay Afartaan ruux inay yihiin kuwa halistooda leh, balse shacabka loo balan qaaday in lacagtaan la siin doono cidii keenta macluumaad la xiriira raggaasi.

Afarta qof ayaa lagu kala magacaaba Abdullahi Issak, Idriss Issack, Ahmed Uweys iyo Mohamed Shide kuwaas oo sida Kenya ay sheegtay ka dambeeyay weerarkii sanadkii 2014-kii bishh December lagu dilay 36 shaqaalaha Magaalada Mandheera.

Kenya ma aysan sheegin afartaan ruux halka ay kaga sugan yihiin dalkaasi Kenya, balse waxa ay sheegtay in meelo ka mid ah gudaha Kenya ay joogaan.

Dagaalyahano badan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa ku sugan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan dhulka Keymaha Boni oo Kenya ay geli la’dahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.