XOG: Xagee ku dambeeyey Shirkii uu Axmed Madoobe Dhawaan Kismaayo ku daahfuray. “Akhriso”

Wararka aan Saaka ka helayno Xarunta Maamulka Jubba ayaa sheegaya in Wajigii ugu horeeyey ee Shirka Wadatashiga iyo dinb u heshiisiinta Beesha Sade uu ku soo idlaadaya Magaalada Kismaayo,waxayna Siyaasiyiinta Shirka qayb galaysa Sheegeen in Shirkaas uu yeelan doono Wajiyo danbe,taas oo looga danleeyahay in shaqsiyaadka Shirkaas ka maqan la keeno Saaxada.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo Shirka Istanbul Maanta dib ooga laaban doona ayaa lagu wadaa in Wajiga labaad ee Shirkaas uu soo xiro,uuna Siyaasiyiinta Shirkaas ka qayb galaysa u sheego wax ay ka helayaan dhanka Xilallka dhamaystirka Maamulkiisa,wuxuuna Fariinta u sii mariyey Kuxigeenkiisa Cabdulaahi Sh Ismaaciil Fartaag.

Sida uu sheegay Maxamuud Sayid Aadan oo kamid Xubnha Muhiimka ah ee shirkaas jooga qorshah ugu way nee Shirka ayaa ah in dhismaha Maamulka Jubbaland iyo dhamaystirka Maamulka ay doonayaan in ay heshiis Sax ah ka gaadhaan khilaafkii ragaadiyey Beesha Sade oo kamid ah Beelaha dagan Gobolka Gedo.

Maalintii shalay ayey ahayd Markii shirkaas laga soo saaray Qodobo lagu sheegay in gudi Farsmo Shirka laga sameeyey taas oo sii wadi doonta hawshii Shirkaas,tan iyo inta laga gaadhayo xal Siyaasadeed oo dhan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.