Wasiirka Amniga: Qaraxyadii Xalay wali ma arag mana maqal kuwo ka culus o Muqdisho ka dhacay wali.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho uu ahaa kii ugu xooganaa ee ka dhaca magaalada, kaasoo uu xusay in loo adeegsaday baabuur kuwa xamuulka ah oo isku dayay inuu ka gudbo bar koontarool ciidamada ku sugnaayeen.

Wasiir C/risaaq ayaa sheegay in ciidamada ay ka hor-tageen, ayna ku joojiyeen gaariga barta koontarool, isla markaana goobta isku qarxiyay, isagoo intaa ku daray.

“Ciidamada Nabadsugida ayaa gaariga xamuulka ahaa ku joojiyay koontaroolka, wuxuu isku dayay inuu xoog ku gudbo, markiiba waa uu qarxay”ayuu yiri Wasiirka oo intaa ku daray in afar ka mid ah Ciidamadii Nabadsugida ee goobta ku sugnaa ay dhinteen.

Sidoo kale waxaa uu Wasiirka Amniga Gudaha ayaa intaa ku daray in ciidamada ay toogteen kooxo isku dayay inay galaan Hotelka, kuwaasoo gaariga ka degay.

Waxaa uu sheegay in khasaaraha uu ahaa mid yaraa, marka loo eego sida gaariga uu damacsanaa, waxaana uu xusay in qaraxan uu ka xoog badnaa kii Hotelka Jazeera lala eegtay dhamaadkii bishii July ee sanadkii hore, kaasoo qeyb dhan hotelka dumiyay.

“Baaritaan ay sameeyeen Booliska qaraxyada qaabilsan iyo hey’adaha taageera waxay qaraxan ku tilmaameen inuu ku cuslaa kii hotelka Jazeera, wuxuu ahaa 200KG waxyaabaha qarxa ee saarnaa, kii Hotelka Jazeera wuxuu ahaa illaa 150KG”ayuu yiri Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.

Qaraxan ayaa baaxada uu lahaa waxaa laga dareemay magaalada oo dhan, iyadoo holac ka baxay uu goobta ka dhigay iftiin sida maalin oo kale, waxaana laga arkayay holaca iyo uurada meelo fog.

Hotelka SYL oo bartilmaameedka uu ahaa ayaa ku dhow Xarunta Madaxtooyada, waana markii labaad ee Hotelka weerar lagu qaado, bishii Janaayo ee sanadkii 2015 ayay aheyd markii gaari waxyaabaha qarxa lala eegtay, maalin ka hor safar uu Muqdisho ku tagi lahaa Madaxweynaha Turkiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.