Mushaar Qeybin Maalintii labadaas Ciidamada Dowladda iyo Ahlusunna loogu sameeyey Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

lacag

Ciidama dowladsa iyo kuwo ahlusuna ayaa maalintii labaad waxaa mushaar loogu qeybinayaa degmada baardhere ee Gobolka Gedo.

 

Abaandulaha Ciidama Xooga dalka Soomaaliyeed Janaraal Cali Baashi oo Maanta Gaaray Degmadaasi ayaa geeyey mushaarki bilaha ahaa ee loogu talagalay ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

 

Qaar kamid ah Ciidamada Dowladda aya iyagune dhinacooda sheegay in jirto wax isdaba marin ku saabsan dhinaca mushaarka.

 

Sarkaal lagu magacaabo Korneyl Aadan Jeelle ayaa sheegay in ciidamada dowladda eelagu soo tababaray dalka kenya aysan helin mushaar, xilli ciidamada kale ee dowladda ee degmadaasi ku sugan lana socda kuwa itoobiya ay helaan mushaarkooda bilaha ah.

 

Sikastaba mushaar qeybintani ay wasaaradda Gaashaandhigga ka sameysay Baardheere ayeysan la qabin deegaanada kale ee Gobolka

oo ay ugu horeyso Xarunta Gobolka Gedo Garbaharay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.