Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay ka da’een Roobab lagu Diirsaday “Akhriso magacyada deegaanada”.

Deegaano ka tirsan gobolka Gedo ayaa lasoo warinayaa xalay ilaa saaka in ay ka da’ayeen roobab lagu diirsaday.

Roobabkani ayaa ka da’ay deegaanka dhasheeg oo xarunta Gobolka Gedo kaga beegan Koonfur qiyaas ahane ujira 10 km.

Sidoo kale degmada baledxaawo ayaa lasoo warinaya in ay ka da’een roobab aan badneyn oo lagu diirsaday sida uu Wariyaha Gedotimes Ee Gobolka Gedo uu u sheegay mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magaaabo Cabdi Aadan oo Baledxaawo ku sugan.

Sikastaba roobabkani ayaa yimid xilli maalmihii lasoo dhaafay uu Gobolka iyo Guud ahaan Soomaaliya ka jiray kuleyl Baaxad leh iyadoo dadka deegaanka ay ku diirsadeen roobabkani ka da’ay deegaano ka tirsan Gobol weynaha Gedo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.