TOP News: Dayuurado Dagaal oo Joog hoose ku duulaya oo saaka dul heehaabaya Deegaanka Tuulo Barwaaqo ee Gobolka Gedo.

Diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya ayaa saaka dul heehaabaya deegaanka tuulo barwaaqo ee duleedka degmada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo.

 

Diyaaradahani ayaa cabsi weyn iyo afariir ku riday shacabka deegaanka tuulo barwaaqo kuwaas oo maalin kahor duqeymo lala dhacay aysan cidne waxba ku noqon.

 

Barakac ayaa lasoo warinayaa in uu kajiro deegaanka inkastoo xiliga oo kuleyl ah dartii dadka shacabka ah ay garan la’yihiin halka ay beegsanayaan, iyadoo dadka qaarne ay cagtooda maaleen.

 

Goobjoogayaal ayaa soo warinaya in shabaabkii deegaakaas fariisinka kulahaa ay u ruqaansadeen dhinaca basaha halkaas oo ay kaga dhuumaaleysanayaan dayuuradahani dagaal ee bartilmaameedkoodu uu yahay iyaga iyo sideey u naafeyn lahaayeen.

 

Sikastaba tuulo barwaaqo ayaa marti galisay 24kii saac ee la soo dhaafay  dayuurado dagaal oo duqeyn iyo cabsi galinba isugu daray,xilli dadka deegaanka ay garan la’yihiin halkii ay uga baxsan lahaayeen duqeymahani.

 

Wixii kusoo kordha dib kala soco insha allah

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.