XOG: Muxuu yahay qorshaha uu ka leeyahay Axmed Madoobe shir uu Maanta Kismaayo ku daahfuray….??.

madoobe

Magaalada Kismaayo Maanta waxaa ka Furmay shir uu daahfuray Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe shirkaasi oo loogu magac daray dib u heshiisiinta beesha Sade.

Shirkani o furitaankiisa ay xaadir ku ahaayeen xubnaha beesha ka soojeeda ee ka tirsan Maamulka Kismaayo ka arimiya,kuwaas oo iyagune shirkaasi ku sheegay mid lagu heshiisiinaayo beesha Sade.

Hadaba Shabakadda wararka ee Gedotimes oo ka duuleysa kahortaga Marin habaabinta la doonaayo in lagu sameeyo dhamaan dhinacyada daneeya siyaasadda Jubaland, Ayaa u kuur gashay ogaanshiyaha xaqiiqada Rasmiga ah ee shirkaasi Kismaayo ka Furmay looga goleeyahay.

Hogaamiye Axmed Madoobe oo uu culeys ka saaranyahay dhinaca beesha Caalamka Ayaa waxaa haystay dhibaato ku saabsan dhaqaalihii oo laga xayiray inta uu kala heshiinaayo beesha ugu badan deegaanada Jubaland ee Sade, Iyo in uusan soo dhisi Karin xubnaha Maamulkiisa inta uu ka qabsoomaayo shir lagu heshiisiinaayo isaga Iyo beesha Sade oo si weyn u diidan Maamulkiisa.

Hadaba isaga oo ka duulaayo su’aalo lagu weydiin doono shir dhawaan ka dhacaya Istanbul oo ujeedkiisu yahay in lagula xisaabtamo Madaxda Soomaalida Iyo waxyaabaha ay ka qabteen deegaanada ay Hogaamiyaan Ayaa Shirkani waxa uu Axmed Madoobe uga goleeyahay in dib u heshiisiintii uu bilaabay uuna soo daahfuray shir dib u heshiisiineed Marka uu laabtane uu dhameystiri doono,arintaas oo ku qasabtay abaabulida Shirkani.

Hadaba waxa uu Meesha kaa saaray in xubnaha isaga mucaaradsan ay yihiin dad muctarif ah oo aan ku qarsoomi Karin shir Iyo labo toona oo uu u qabto xubnaha muxaafidka isaga u ah balse ku haybta ah siyaasiyiinta mucaaradsan Maamulkiisa.

Akhristow si’aal kooban adiguba isweydii ma dad Heshiis ahaa la heshiisiiyaa mise dad dirirsan??, raga Maanta uu Axmed amdoobe shirka u furayse ma yihiin rag mucaarad ku ahaa??, Shirkii la filayay Inuu jubooyinka ka furmose mayahay mid beesha Sade uu ahaa mid lagu heshiisiinaayo mise waa mid beesha Axmed Madoobe Iyo beesha Sade uu qorshuhu ahaa Inuu dhexmaro?? Markii weydiimahaasi jawaabo loo helo ayey Kusoo bixi doontaa natiijada Iyo ujeedada laga leeyahay shirka Maanta Kismaayo uu ku daahfuray Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe.



Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.