Dhageyso: Duqeyn ka Dhacday Degaano Ka Tirsan Gedo.

Diyaradaha dagaalka Kenya ayaa maanta duqeymo waxa ay ka geysteen deegaanno ku dhow dhow degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa illaa 4 Gantaal ku dhuftay deegaanka Tuulo Barwaaqo oo qiyaastii 20 km u jira degmada Garbahaareey sida uu u xaqiijiyay Gedo Times .com  Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada Garbahaareey Aadan Siraad Max’ed.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi hayeeshee waxa ay ku soo beegmayaan xilli maalmihii la soo dhaafay Kenya ay sheegeysay howlgallo ay ka sameeyeen Jubbooyinka iyo Gedo ay ku dileen Dagaalyahanno iyo Hoggaamiyayal ka tirsanaa Al Shabaab.

Kenya oo diyaaradaheeda la rumeysan yahay in ay fuliyeen duqeymahaasi weli kama hadlin iyadoona Al Shabaab oo ahaa Bartilmaameedka iyaguna aysan wax war ah ka soo saarin.

Halkaan Ka Dhageyso:

script async src=”//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js”>


Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.