Dhageyso: “Madaxweyanaha Somaliya” Musuq Kama Dhex jiro Hayadaha Dowlada Somaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa maanta ka qeyb galay dood Cilmiyeed ay ka qeyb galeen Saxafiyiin iyo Bulshada Rayidka.

Dood Cilmiyeedka oo su’aalo la isku weedaarsanayay ayaa Madaxweynaha waxaa wax laga weydiiyay musuqmaasuq la sheegay in hay’adaha dowladda ka dhex jiraan.

Mudane Xasan Sheekh Max’ud ayaa daaha ka rogay in eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa ee dowladda loo soo jeediyo ay yihiin kuwa inta badan mala awaal ah islamarkaana aysan jirin cid  tirakoob sax ah soo saartay oo u kuur gashay arrintaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha oo ka  hadlay Canshuuraha ka soo xarooda Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cade iyo Dekedda Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu kabo adeegyada asaasiga ah ee dowladda sida mushaaraadka shaqaalaha qaar.

Warbixin Caalami ah oo dhawaan soo baxday ayaa Soomaaliya la sheegay in ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu daran ee uu la dagay Musuqmaasuqa

Halkaan Ka Dhageyso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.