XOG: Xagee ku danbeysay Warqadii lagu soo xiri lahaa Cabdirashiid Indhakoreey ee ay xeer ilaalinta Qaranka horay u soo saartay.

Xilli dhawaan warqad cad oo lagu soo xiraayo cabdirashiid indhakoreey oo ah nin dilal badan ka geystay Gobolka Gedo gaar ahaane waqooygiga gooblkaasi ay soo saartay Xeer ilaalinta qaranka iyo maxkamadda sare ee dalka, ayaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomaaliya ay fulinta go’aankaasi iminka u kaba gashadeen.

Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka ee kasoo jeeda beesha sade oo uu u dhashay ninkan dambiilaha ah ee dilalka kala duwan kageystay gedo kuwaa soo lagu laayay dad kabadan 7 qofood oo kasoo jeeda beelweynta sade ayaa iminka dadaalo arinkaasi xariga ah lagu suuragalinaayo kawado xafiisyada dowladda ee muqdiho.

Warqadda oo ay xer ilalainta kaga codsatay hay’adda INTERPOL oo ah hay’adda Booliiska Aduunka uu ku mideysanyahay in ay ninkaan ugu soo gacan galiso dowladda ayaa dadaalada soo qabashadiisa waxay si dardar leh uga socdaan Magaalada Muqdisho, iaydoo hadda uu gabaad ka dhigtay magaalAda kismaayo OO uu ku magan galiyay Axmed Madoobe oo uu dartii u laayay dad badan oo kasoo jeedo Besha Sade, kadib markii laga gacan maroojiyay siyaasaddii Gobolka Gedo ee uu dadka badan ku laayay.

in kabadan 10 xildhibaan oo kasoo jeeda beesha sade ayaa saxiixay warqadda soo qabashada dambiilahani,kuwaas oo Raisal Wasaare cumar cabdirashiid u geeyey warqadda oo qoran si ay uga saxiixaan, iyadoo Sharmaake uu balan qaaday fulinta go’aanka xeer ilaalinta iyo Maxkamadda sare ay ku go’aamiyeen dilaagan lagu raadjoogo soo qabashadiisa.

dhinaca kale Mudane ka tirsan baarlamaanka oo u xogwaramay Gedotimes News Agency ayaa inoo inoo xaqiijiyay in ay jiraan dadaalo lagu soo qabanaayo gacan ku dhiiglahani , kaas oo soo qabashadiisa ay iminka ka mideysantahay beesha Sade oo asan jirin jifo uusan dakano ka qabin.

Sikastaba ree Gedo ayaa u muuqda kuwo iminka hurdada ka kacay, kuna baraarugay in la iska qaban karo dulmiilayaasha qaabka qabiilka ugu dhexjira kuwaas oo aan ixsaan u hayn, tiiyoo ay dhertahay in ay ka shaqeeyaan dhibaateyn tooda, waxaana daadalaan la bilaabay markii gudoomiyihii Gobolka Hiiraan cabdifitaax Afrax oo nin rayid ah ku dilay Baladweyne ay kacdoon shacab oo ka dhashay kadib xilkiine lagu xayuubiyay xarigne loogu daray muqdishane uu ku yahay Maxbuus maxkamad suge ah.

Wixii kusoo kordha kaa soco gedotimes Insha allah



Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.