Degdeg: Warsaxaafadeed lagu wado in Beesha Sade ay kasoo saarto Fashilka Shirka kismaayo uu ku sameeyey Axmed Madoobe.

Siyasiiyiin iyo Waxgarad ka soo jeeda Jubaland oo maalmihii lasoo dhaafay ku shirsanaa Magaalada Muqdisho ayaa goordhaw lagu wadaa in ay shir saxaafadeed kasoo saaraan shirkii fashilka sababtiisa uu lahaa hogaamiye axmed Madoobe ee qorshuhu ahaa inuu ka furmo Magaalada kismaayo.

Masuulyiinitani oo ay kamdi yihiin Korneyl Barre Hiiraale wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, Siyaasiga Cabdiwaaxid Goonjeex iyo Janaraal cali Madoobe ayaa warcad lagu wadaa in ay goordhaw kasoo saaraan fashilka shirka u sababtiisa leeyahay Axmed madoobe.

Ugaaska Guud ee Beesha Sade Ugaas Maxmed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi iyo Duubab dhaqameedyo kale oo kasoo jeeda beesha sade ayaa iyagune kasoo dhex muuqan doona shir saxaafadeedka lagu wado in goordhaw ay soosaaran Masuulyiiintani iminka ku shirsan magaalada Mqudisho.

Shirkii nabadeynta ree Jubaland ee qorshuhu ahaa in shalay uu kismaayo ka furmo, ayaa waxaa soo wajahay fashil kadib markii Hogaamiye Axmed Madoobe uu damcay inuu iska horkeeno xubnihii beesha sade ee ka tirsanaa mamaulkiisa iyo siyaasiyiintii mucaaradsanaa sadexdii sano ee lasoo dhaafay kuwaas oon sinaba u aqbalin hogaamintiisa.

Wasiirka Gaashaandhigga Janaraal cabdulqaadir sheekh cali diini ayaa ilaa iyo hadda ka gaabsanaya ka hadalka fashilka shirka ee sababtiisa uu leeyahay Axmed Madoobe, iyadoo xubno kamid ah siyaasiyiintane ay war lugeed ay soo gaarsiiyeen Gedotimes ay u sheegeen in wasiirkiisa qudhiisa ay kaga shakisanyihiin in uu qabo waxoogaa xagal dacin ah ama ugu yaraan uusan muujin doorkiisa hogaamineed iyo masuuliyadda uu u haayo beesha uu kasoo jeedo.

wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.