Dhageyso: Gaas: Ma anan Heshin Besha Caalamka.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa ka warbixiyay kulamadii ay la yeesheen xubnaha ka socday Beesha Caalamka isagoo tibaaxaay in ay hor dhigeen aragtida shacabka Puntland ay ka qabaan doorashada dalka sida uu hadalka u dhigay.
Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in wufuudaasi beesha Caalamka uu dib ugu soo laabtay Muqdisho ay isku afgarteen in ay sii socdaan kulamadooda ay uga arrinsanayaan sidii ay isugu fahmi lahaayeen ajandaha ay ka wada hadlayaan.
Wafdi uu hoggaaminayo danjiraha qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland.
Puntland ayaa weli ku adkeysaneyso in qaab deegaan lagu saleeyo doorashada ka dhaceysa dalka iyadoo u cuskaneyso in horay loogu heshiiyay in mar kale 4.5 aan wax lagu soo dooran.

Halkaan Ka dhageyso

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.