Kenya : Caruurta aan Qaan Garin Ayay Al- Shabab Qortaan.

Dowlada Kenyan ayaa sheegtay in al shabaab ay ka faa,iideystaan caruurta ka soo jeeda qoysaska saboolka ah iyagoo u sameeyo balan qaadyo si ay ugu biiriyaan al shabaab.

Caruurta ay qortaan xarakada al shabaab ayey Kenya sheegtay in badan kood ay yihiin kuwa qoysaskooda aysan awoodin in ay ka bixiyaan lacagaha waxbarashada dugsiyada.

Saraakiisha ammaanka ee Kenya ayaa xusay in kufungwa oo ka mid ah al shabaab isla markaanay booliiska dalkaasi si aad ah u doon doonayaan lagu eedeeyay in uu dilalka ka gaystay gudaha Kenya isagoo sidoo kale lagu sheegay in al shabaab ku biiriyo caruur badan oo u dhashay dalka Kenya.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in dhalanyaradaasi lagu biiriyo al shabaab loo sameyo balan qaadyo ay ka mid yihiin lacago kaash,baabuur iyo xaasas iyadoo howl galadaasi ay shabaab ka wadaan magaalooyinka nayroobi.

mombasa iyo lamu. Laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaa sheegay in baaritaano ku hayaan dugsiyo waxbarasho oo ku yaala magaalooyinka Mombasa iyo likoni halkaasoo laga shakisanyahay in al shabaab ay ka qortaan dhalanyaro da,yar oo ku biirinayaan al shabaab

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.