Dhageyso: Ciidamada Dowladda Federaalka Iyo AMISOM Oo La wareegay deegaanno hoostaga Mahadaay

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaan lagu Magacaabo Biyocade oo qiyaastii 20 km u jira degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Deegaanka Biyocade oo ay horay u maamulayeen Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay in xalay isaga baxeen deegaanka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa  ka  warbixiyay la wareegitaanka Ciidmaada dowladda Soomaaliya ee deegaanka Biyo cade ayaa sheegay in markii hore dadku ay dareemayeen cabsi ayna billaabeen barakac laakiin haatan xaaladdu ay degentahay ayna caadi ku soo laabteen dhaq dhaqaaqyadii deegaanka.

Lama oga halka ay abaareen Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ee xalay isaga baxay deegaanka Biyocade ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Halkaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.