Wasaaradda Warfaafinta oo ka hadashay hogaanka NUSOJ

Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska, iyadoo fulineysa Xeerka Saxaafadda Soomaaliyeed ee dhawaan la melmariyay, waxay gacanta ku heysaa hirgelinta Xeerka Saxaafadda iyo farintaanka qodobada sharciga Saxaafadda ee hortebinta leh sida qodobka 13-aad, 14-aad, 16-aad, 18-aad, 26-aad iyo 35-aad oo tilmaamaya sidii bahda Warbaahinta ee hadda jirtaa isu sharciyeyn lahayd.

Howlaha sharcigu na faray ee Wasaaraddu hadda gacanta ku hayso waxaa ka mid ah dhismaha Guddiga saxaafadda Soomaaliyeed, diiwaangelinta iyo sharcisiinta dhamaan hay’adaha Warbaahinta iyo saxafiyiinta.

Sida uu dhigayo sharciga saxaafadda Soomaaliya wixii ka dambeeya 09 January 2016 oo ah markii uu sharcigu soo baxay, Warbaahin ama Wariye kata oo ka howlgala Jamhuuriyadda Soomaali waxaa ku waajibaya in uu iska diiwaangeliyo Wasaaradda Warfaafinta muddo 45 cisho gudahood ah.

Wasaaraddu waxay ku wargelineysaa bahda Warbaahinta ee ka howlgasha Soomaaliya in laga soo bilaabo dhaqankii sharciga dhaqdhaqaaq cusub oo sharci ku dhisan ay sameyn karto oo kaliya Warbaahin, Urur ama wariye is diiwaangeliyay oo leh awood sharci oo uu wax ku dhisto, cid ku doorto ama lagu doorto. Hadiise ciddii isku daydo in si fowdo ah u dhaqantao, iyadoo aan ka diiwaangashneyn Wasaaradda Warfaafinta waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.

ARINTA URURKA NOSUJ: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay Ururka NOSUJ u aqoonsantahay urur saxaafadeed oo ka madax banaan Wasaaradda Warfaafinta iyo ha’adaha fulinta ee dalka, lehna dastuur iyo nidaam qoraya in saddexdii sanno-ba mar xubnaha ururka sio democtatic ah oo daah furan ah u doortaan hogaankooda. Nasiib darro xunbaha ururkaas oo qiyaastooda lagu sheegay in ka badan 500 oo wariye waxay ku wareereen oo ku waayeen xuquuqo badan oo ay heli lahaayeen muran iyo is qabqabsi u dhexeeya labada hogaan oo is barbaryaacaya, waxayna xaq dastuuri ah u leeyihiin inay helaan hogaan ay raali ka yihiin o u taagan horumarintooda ee aan daneyste ahayn.

Wasaaradda Warfaafintu waxay caddeyneysaa in labada xubnood ee ku murmaya hogaanka NOSUJ mid waliba uu ka dhamaatay saddexdii sano ee la doortay oo aan midkoodna heysan sharciyadii mudeysnayd ee ururka. Waxaanu amaaneynaa daacadnimada Maxamed Ibraahim Pakistaan oo qirsan in xilligiisa uu dhamaaday maalin iyo habeenna codsanaya in shirweyne loo qabto sida uu dhaqsiyaha badan si ururka u doorto hogaanka cusub.

Haddaba si looga badbaadiyo in uu burburo ururkaas Qaran, Waxaanu xubnaha ka codsaneynaa inay magacowdaan guddi masuul ah oo aan labada murme midna u janjaadhin oo qabanqaabinaya shirweyne Qaran oo xunbaha ururuka ku doortaan hogaankooda muddo labo bilood gudahood ah, sidoo kale dowladaha, ururrada iyo hay’adaha taageera horumarka Warbaahinta Soomaaliyeed ee wadaniga ah iyo ajnebiga ah waxaan codsanaynaa inay naga xigsadaan oo ku taageeraan xubnaha ururka sidii ay u qaban lahaayeen shirweynahaas. Wixii intaas ka horeeyana Wasaaraddu cidna uma aqoonsana in uu yahay hogaanka NOSUJ.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.