Dhageyso: Dab Qasaaro Sababay oo Kacay Xarun Barkacayaal.

Dabkani oo ahaa mid xoogan ayaa barqanimadii maanta waxa uu ka kacay Xerada Rajo ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay waxaa dabkani ku dhintay ugu yaraan 2 qof oo ah Wiil yar iyo Aabihii.

Dadka ayaa sida dadka deegaanka  waxaa uu ka dhashay kadib markii guri ka sameysan cooshad ilmo yar yar oo looga tagay ay ku falaadeen deedna uu qabsaday gurigaas kuna sii fiday guryaha nawaaxigiisa ku yiilay.

Khasaaraha ugu badan ee ka dhashay dabkaas ayaa ahaa in ay basbeeleen guryo badan oo kuwa cooshadaha ka sameysnaa aha oo dad danyar ah ay ku noolaayeen.

Durba waxaa goobta gaaray kooxaha dab damiska oo ku guuleystay in ay gebi ahaan baqtiijiyaan dabkaasi.

Ma jiro khasaaro dhaawacyo ah ee la soo wariyay in uu geystay dabkaas.

Halkaan Ka Dhageyso;

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.