Dadka Ha Ka Baxaan Guryaha Aysan lahyn

Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho oo u warramayay Warbaahinta ayaa digniin u jeediyay dadka sida sharci darrada ah u degan guryaha aysan iyagu lahayn.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in muddo loo dulqaadanayay dadk guryaha sharci darrada ku heysta xilligaan wixii ka dambeeyana tallaabo cad laga qaadi doono.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sanadkaan gudihiisa ay dhisayaan qaar ka mid ah waddooyinka ugu Muhiimsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho isagoona ka dalbaday shacabka Muqdisho in ay ka gacan siiyaan arrintaasi wuxuuna ka dalbaday in ay noqdan kuwa isku tashada kana kaaftooma dowladaha shisheeye.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Munaasabad lagu soo bandhigayay Istiraatijiyada uu ku howlgalayo maamulka Gobolka Banaadir sanadkaan 2016.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.