XOG: Axmed Madoobe oo is hortaag ku sameeyey Shirkii nabadda Ree Jubaland ee Kismaayo lagu waday in uu ka furmo.

axmed

iyadoo uu qorshuhu ahaa in siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Jubaland ay shir dib u heshiisiineed kaga qeybgalaan magaalada Kismaayo, ayaa waxaa muuqaneysa in shirkaasi oo hadda kadib maray waqtigii loogu talagalay uu fashil soo wajahay.

Siyaasiyiintii mucaaradsanaa Jubaland ee la doonayay in iyaga iyo maamulka kismaayo la heshiisiiyo ayaa hadda ka baaqsaday aaditaankoodii kismaayo kadib markii Maamulka jubba uu ka baxay qodobadii la qorsheeyey in ay noqdaan ajandayaasha shirka.

Hogaamiyaha Jubba axmed Madoobe oo ka duulaya in isla xisaabtan uu kismaayo ka dhaco ayaa abaabulay siyaasiyiintii beesha sade ee ka tirsanaa maamulkiisa  kuwaas oo abaabul uu galiyay dartii hadda wado qorshe ah in iyagu ay noqdaan cida la heshiineysa axmed madoobe, miiska wada hadalkane fariisaneysa.

Maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Cabdulaahi sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa isugu yeeray kismaayo xildhibaanada iyo masuulyiiinta kale ee ka tirsan maamulkiisa kana soojeeda beesha sade , isagoo ku wargaliyay in iyagoo oo matalaya Beesha Sade ay shirkaasi ka qeybgalaan, arintaas oo guuxii ka dhashay uu ka taaganyahay magaalada kismaayo.

Sikastaa hogaamiye Axmed madoobe ayaan diyaar u aheyn nabad iyo xasilooni ka dhalata jubaland, iyadoo xubnihii beesha caalamka ee ay ugu horeyso Hay’adda USAID ay arinkaasi durba walaac ka muujisay.

wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe insha allah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.