Daawo Sawirada : Wafdi ka Socda Qaramada Midoobay oo Maanta Gaaray Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo.

Wafdi heer calami ah islamar kaasina ka socda Hay’adda UNDPSS oo uu horkacayo Mr fictor una qabilsan dhanka nabad galyada, ayaa Maanta gaaray magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo, isagoo kormeer ku soo maray goobaha ey daganyihiin Ciidamada Dowladda iyo kwua AMISOM ee Magaaladaasi ku yaala.
Imaantinkiisa Kadib waxaa Gudaha Garoonka ee Xarunta Gobolka Gedo kula kulmey xoghayaha xariirka hay.adaha iyo hormarinta gobolka gedo mudane xasan Sheekh Cilmi Xasan garbaharey isagoona u sheegey fictor in garbaharey amni tahey halka mr fiktar intuu jogey xarunta gobolka gedo uu layaabey amaanka dagmada garbaharey kadibna dhanka magalada inuu lug kutago ayuu kacodsadey xoghayaha xariirka hay’adaha iyo hormarinta gobolka gedo mudane xasan garbaharey, isagoo isaga iyo masuuliyiinta Mamaulka Heer Gobol iyo mid Degmaba ay Socod lug ah ku wehlinayaan ayuuna Gudaha Mgaalada Kusoo dhex lugeeyey.
isagoo aad ugu faraxsan jawiga magalada kajiro iyo carigoo barwaaqo ah ayuu u mahad celiyey dhamaan musuliyiinta ku casuuntey safarkiisa isagoona balan qaaday in ey imaan donaan hay’ado maxali ah, oo ka shaqeyn doona Deegaanka Dhawaan Sida uu Yiri.
Mr Fictor oo Ah Wakiil ka socday Hay’adda UNDPSS ayaa Sidoo kale Xilli uu Muujinayay Amniga Kajira Xarun Goboleedka Gedo ee garbaharay Wuxuu dhalinyarada Deegaanka kula Qaxweeyey Mid kamid ah maqaayadaha Magaalada.
Geesta kale xoghayaha xariirka hay’adaha iyo hormarinta Gobolka gedo mudane xasan garbaharey ayaa Fictor Weydiiyay Sababta Hay’adaha Qaramada Midoobay ay uga warwareegayaan in ay Saldhigtaan Xarunta Gobolka ee Magaalada Garbaharay, isagoo Dhinaca kalane ugu baaqay in ay u jiheystaan Sidii ay garbaharay Xarumo uga furan lahaayeen.

 

Mr Fictor Ayaa dhiniciisa Balanqaaday in Hay’adda uu Wakiilka ka yahay Ay Dhawaan Garbaharay Xarun ka furan Doonto, isagoo Bogaadiyay sida Ree garbaharay ay ugu baraarugsanyihiin in magaalo madaxda Gobolka ay tabeyso baahiyo ay kamid yihiin in Xarumihii hay’adeed ee ay Caanka ku aheyd in ay Maranyihiin.

 
Hoos Ka Daawo Sawirada Wafdiga Maanta Gaaray magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo.

gar

gar1

gar2

gar3

gar4

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.