Mid kamid ah waxgaradka Cadaado oo ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiskii dagaalka Dacdheer

Waxgaradka   Gobolka Galgaduud  ayaa sheegay , in ay soo dhawaynayaan Heshiiskii laba geesoodka ahaa  ee Magaaladda JigJiga  ku dhaxmaray Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ismaamulka Somaalida Eithopia

Nabadoon  Maxamud Carab ayaa sheegay in Heshiiskaas ay wada gaareen labada dhinac ay keeni karto in dib degaanadooda ay ugu laabtaan Qoysas badan oo ka soo cararay goobo weerar ay ku soo  qaadeen ciidamada Liyuu  Booliska Eithopia

Heshiiskan ayaa yimid markii Magaaladda  Jig Jiga  uu  gaaray Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Guuleed si loo soo afjaro  dagaal xiriir ahaa oo ka socday degaanada  ku dhow sohdinta ay wadagaan Soomaalia Iyo Eithopia.

Waxaa uu sheegay inuu ku baaqayo in laga dhabeeyo heshiiskaasi si loo gaaro nabad iyo xasilooni.

Nabadoonkani ayaa codsaday in aysan dib u soo laaban mar dambe dagaalladii ka dhacay deegaanka Dacdheer oo gallaaftay nolosha dadka shacabka ahi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.