TOP: Dowladda Uganda oo Beenisay in ay Ciidamadeeda Kala Baxeyso Soomaaliya. “akhriso”

Dowladda Uganda ayaa beenisay wararka sheegaya in ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka howgalka AMISOM ay kala baxeyso.

Afhayeenka ciidanka Uganda, Paddy Ankunda oo saxaafadda kula hadlay caasimadda Uganda ee Kampala ayaa sheegay in aysan jirin wax go’aan ah oo dowladda Uganda ay gaartay oo ku aadan in ciidamada ka jooga Soomaaliya ay la baxdo.

Wuxuu sheegay in dowladda ay guddi u xil saartay kuwaas oo dib u eegis ku sameeya ciidamada ka jooga waddamada Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Uganda ay dib u eegis ku sameyso hawl-gallada ay ciidamadeedu u joogaan Somalia iyo waddamo kale oo Afrikaan ah, balse waa markii ugu horreysay oo ay ka hadasho inay ciidamadeeda la baxasyo.

Ciidamada Uganda waa kuwa ugu badan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya,waxaana door muuqda ay ka qaaten xasillinta Muqdisho iyo dagaallada ay dowladda kula jirto ururka ka soo horjeeda ee kooxda Al-Shabaab.

Tan iyo billowgii sannadkan 2016-ka, waxaa mugdi la galinayay sii socoshada howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,markii dhaqaalihii la siin jiray qaarkood la jaray,halka xilligan dadaal lugu bixinayo dhismaha ciidamada Soomaalida si ay u badalaan kuwa shisheeye ee AMISOM.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.