Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Dhuusamarreeb ee Caasimadda Galmudug ka Daah-furay Shirwaynaha Dib u heshiisiinta Beelo walaalo ah oo muddooyinkii dambe colaado sokeeye ku dhexmarayeen deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud.
Madaxweynaha ayaa xusuusiyay Nabadoonnada, cuqaasha iyo wax garadka labada beel ciqaabaha Alle iyo dib u dhaca ka dhalankara daadashada dhiigga muslimka, isaga ku dhiirri galiyay in ay ka shaqeeyaan sidii heshiis dhab ah looga gaaril ahaa dhibaatooyinkii dhacay.
Leave a Reply