XOG: Axmed Madoobe oo ka hor Safarka uu Muqdisho ku tagi Doono lagu wado inuu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.

Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada Jubbaland/Guriga Martida Jubbaland ayaa sheegaya in Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu ku wajahan yahay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka halkaas oo uu uga qeyb geli doono shir ay isugu imaan doonaan madaxda Maamul Gobboleedyada iyo Madaxda dowladda DFS kaasoo looga hadli doono arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Xubno muhiim ah oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso islamarkaana ka tirsan Madaxtooyada jubbaland ayaa Gedo Times u xaqiijiyay in Madaxweynaha uu ku dhawaaqi dono Golaha wasiirada cusub ee Jubbaland ka hor inta uusan u amba bixin magaalada Muqdisho, maalinta berrito ah ama berri dambe. waxaa sidoo kale ay xubnahaan noo xaqiijiyeen in Golaha Xukuumada Jubbaland ay ka koobnaan doonto 18 Wasiir.

Magacaabista Golaha Wasiirada jubbaland ayaa lagu saleeyay habka ay Soomaalidu wax ku qeyb sato ee 4.5, waxaana magaalada Kismaayo soo buux dhaafiyay siyaasiin aad u fara badan kuwaas oo aad ugu hanqal taagaya in xil loo magacaabo.

Mudane Axmed Madoobe ayaa soo gaba gabeeyay latashiyo ku aadan magacaabista Golaha wasiirada cusub ee Jubbaland.

Axadii aynu soo dhaafnay ee 15-kii May ayay ahayd markii Madaxweynaha Jubbaland uu magacaabay labadiisa ku xigeyn, kuwaasoo uu ukala magacaabay Maxamud Sayid Aadan iyo Cabdiqaadir Maxamuud Yuusuf (Lugadheere)

Wixii kusoo Kordha kala Soco Gedo Times.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.