Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray magaalada Cadaado

itobiya

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa galabta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulka KMG Galmudug kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka.

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya ay fariisimo ka sameysteen meelo kamid ah magaaladaasi.

Ujeedka ciidankaasi ay u tageen magaalada Cadaado ayaa lagu sheegay sidii ay u soo dhoweyn lahaayeen saraakiil ka tirsan dowladda Itoobiya oo berri booqan doona magaalada Cadaado, kuwaasoo tegi doona deegaanno Cadaado u jira 60 KM illaa 70 KM oo ah Dacdheer iyo Kaxandhaale kuwaasoo dhowaan ay ka dhaceen dagaallo.

Dagaalladaasi oo u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo ciidanka Liyuu Boolis waxaa ku barakacay qoysas u badan reer guuraa oo u dhashay deegaannada lagu dagaallamayay.

Wafdiga Itoobiya ka socda ee maalinta berrita ah tegi doona magaalada Cadaado waxaa sidoo kale qorshaha uu yahay inay dhameystitaan qodobo kamid ah heshiiskii Jigjiga ka dhacay ee dagaalladii Dacdheer.

Dadweynaha magaalada ayaana hadal haya imaanshiyaha ciidankaasi ee Cadaado

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.