Akhriso:Warmurtiyeed laga soo saaray shir looga hadlayey ka hortagga cudurka CoronaVirus

Wasiir

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa soo saartey war-saxaafadeed ay kaga hadlayso shirka wada tashiga ahaa ee looga hadlayay ka hortagga cudurka Coronavirus, kaasi oo u dhexeeyay Madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiirada Caafimaadka ee dowlad goboleedyada dalka ee qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo muddo labo cisha ah uga socday magaalada Muqdisho ayay ugu dambeyn ka soo saareen war-saxaafadeed ay uga hadlayaan waxyaabaha ay isla garteen, kuwaasi oo kala ah:

  1. Waxaa jira in 16ka Maarso 2020, cudurka Coronavirus laga helay muwaadin Soomaaliyeed. Waxaana maanta oo ay taariikhda tahay 26ka Maarso 2020 laga helay cudurka Corona muwaadin kale oo Soomaaliyeed.
  2. 9 Muwaadin ayaa ku jirta xarunta Qaran ee hubinta bed-qabka bulshada oo iyagu ah dad ka yimid qaar ka mid ah waddamada uu cudurka Corona aadka u saameeyay oo lagu heyn doono xarunta ilaa iyo inta ay ka dhameysanayaan 14ka beri ee cudur huuriska. Dhamaantood waxaa loo sameeyay baaritaanno, natiijada ka soo baxdana Wasaaradda ayaa dib ka shaacin doonto.
  3. Wasaaraddu waxa ay kulan balaaran oo labo maalmood ah (25-26 March 2020) isugu yeertay Wasiirada caafimaadka ee dowlad goboleedyada si looga wada-tashado qorshaha Qaran ee ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19).
  4. Kulanka oo ay joogeen Wasiirada caafimaadka heer Federaal iyo heer maamul goboleed ayaa waxaa maalintiisa koowaad diiradda lagu saaray dhameystirka qorshaha Qaran ee ka hortagga iyo ka diyaar garowga caabuqa Corona (COVID-19).
  5. Kulanka oo maanta ku soo dhamaaday guul waxaa ka soo baxay qodobadan:
  • In Wasaaradaha caafimaadka heer Federaal iyo heer maamul goboleed dar dargeliyaan howlaha la xiriira ka diyaar garowga caabuqa Corona.
  • In si wada jir ah loo sameystay qorshaha Qaran ee ka diyaar garowga caabuqa Corona.
  • Qorshaha Qaran ee maanta la daah furay ayaa fulintiisu u baahan in la geliyo dedaal dheeraad ah.
  1. Ugu dambeyn, Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhexeeya Wasaaradaha caafimaadka ee Maamul Goboleedyada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.