XOG: Hogaanka Ciidamada Jubaland oo dib u habeyn lagu sameynaayo iyo Korneyl Cabdi Cismaan Nuur oo la filaayo inuu ka soo dhex muuqdo.

Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo aadan uu dib habeyn ku sameeyo Saraakiisha iyo Taliyayaasha Maamulkiisa ee dhinaca Ciidamada.

Iyadoo hadda Xilalka dhamaan Ciidamada Jubaland Taliyayaashooda ay hayaan Xubno ku hayb ah Axmed Madoobe ayaa waxaa uu qorsheynayaa in siyaasadaas qaabka daran uu  wax ka badalo,isagoo lagu wado in uu Magacaabo Xubno Horleh oo ka soojeeda beelaha deegaan ahaan u badan Jubaland,

Taliyaha Ciidamada Militiga Jubaland ama Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee Jubaland ayaa waxaa aad loo saadaalinayaa in midkood uu noqon Doono Korneyl Cabdi Cismaan Nuur oo Horay uga mid ahaa Saraakiishii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xiligii Dowladii kacaanka.

Korneylka ayaa hadda qeyb ka ah Siyaasiyiinta Beesha Sade ee Kismaayo u jooga in xal loo helo Murankii Siyaasadeed ee Deegaanada Jubaland hareeyey Sanadihii la soo dhaafay,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.