Maxaa Ka Dhashay Duqeyntii Taliye Shub?

asluub

Waxaan la wada soconaa in duqayntii ka dhacday guriga Taliye Shub ay ka Dhalatay eedaymo iska soo horjeeda oo qolaba qolada kale dusha u saaraysay oo ahaa sidaan;-

1- DFS oo Taliye Shub laftiisa dusha u saartay kuna tilmaantay qarax Alshabaab oo uu guriga ku diyaarinaayey.
2-Reer Koofurgalbeed waxay dusha u saareen DFS.
3- Mucaaradku waxay ku sheegeen fal foolxun oo ay iska kaashadeen Turkiga iyo DFS.
3-Puntilaandhi iyo Jubalaandhi waxaa ka soo yeeray falcelin yaab leh in aysan aqoonsanayn DFS oo ay ka madaxbanaan yihiin ilaa laga helaayo DFS oo lagu wada kalsoon yahay.
4-Mucaaradka mustaqbalka waxay eedeeyeen Turkiga iyo Masar.
5-Nabad iyo nolol waxay ku tilmaameen fal fool oo laga maleegay Fiila Soomaaliya.
Isku soo wadaduub waxay u eg tahay (MEEL AAN RABAY ROOB MAYGU HELEY),nin walbana cidii uu u adeegayey buu hadalkiisa ku raaligelinaayey oo siyaasadooda u shaqaynaayey.
Falcelintu intaas kaliya ma ahayn ee Jubalaandhi iyo Puntilaandhi waxaa ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo Turki iyo Masar oo calanka Turkishka laugu Gabay,Xamarna hadaaq noocaasa ba shacbiga ka dhexyeeray oo an loo dhamayn,

 Isku soo ururi arintaan waxaa ka dambeeyey cadawga dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ujeedaduna waxay ahayd in lagu jaa,ifeeyo Turkiga iyo Masar oo ah labada dal oo maanta aan isku danta nahay oo na garbtaagan,waxaana naloo baylihinaayey Imaraad iyo Yahuud iyo kuwa ka danbeeya.

Kuwa aragtida gaaban iyo siyaasiga dadraaca ah oo muufaysiga shaqada ka dhigtay yey na hodin.
Malay adiga kula tahay?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.