Jubbaland oo Cambaareysey Weerarkii Turkiga iyo Dowlada Soomaaliya ku qaadeen Doolow

Axmedmadoobe

Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka duqaynta ee xalay diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Turkiga ay fuliyeen Degmada Doolow ee Gobolka Gedo. Weerarkan bahalnimada ah wuxuu si toos ah u beegsaday Guri uu degganaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka ah Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo sababta Dowladda Federaalka ah iyo Turkigu ay u beegsanayeen ay ahayd oo kaliyah in uu kaga aragti duwanaaday dhinaca Siyaasada iyadoo gantaalada ay diyaaradu tuurtay oo labo ahaa mid kamid ah uu ku dhacay guriga Gudoomiyaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Weerarkan waxaa ku dhaawacmay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka ah Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyo afar Qof oo kale oo shacab ah.

Magaalada Doolow oo ahayd magaalo ka caagan falalka amni-darada ah dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, in saqdhexe gantaalo lagu garaaco oo ay ku waxyeelooban dad aan Waxba galabsan Waa danbi dagaal oo ay tahay in lagula Xisaabtamo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday iyo Dowladda Turkiga oo ah cida lahayd Diyaarada weerarka fulisay isla markana noqotay aalad Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday uu u adeegsado dadka ka fikir duwan.

Ficilkan wuxuushnimada ah wuxuu astaan u yahay sida Madaxweynaha sharci darada xukunka ku jooga iyo Dowladda tunka ku wadata ee Turkiga ay meel halis ah ugu sii wadaan dalka, taas oo wakhti horaba la sii arki karay saamaynta iyo caadooyinka xun ee ay dalkeenna ku reebayan.

Dowladda Jubaland waxay ugu baaqaysaa dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Maraykanka iyo Midowga Yurub in il gaar ah lagu eego falalka aan caadiga ahayn ee Turkigu qaybta ka yahay, taas oo aanay ku jirin danta dadka Soomaaliyeed iyo mida gobolka.
Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa Qaramada Midoobay in ay sida ugu dhakhsiyaha badan dib ugu eegaan go’aankii Soomaaliya lagaga qaaday cunaqabataynta hubka, inta laga helayo dowlad mas’uul ah iyo gacmo lagu aamini karo hubka ay dowladaha caalamku ugu deeqayaan Soomaaliya.

Ugu danbayntii talaabadan waxay horseedaysa in Dowladda Turkiga aan loo arki doonin wixii hada ka danbeeya inay qeyb ka noqon karto dadaalada xal raadinta iyo dhexdhexaadinta Arrimaha gudaha Soomaaliya isla markana ay caqabad ku tahay wada hadalada iyo isku raadinta dadka Kala aragtida duwan ee Soomaaliyeed maadama ay cadaysatay in garab buuxa u tahay dhinac gaar ah.
DHAMMAAD

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.