Bal aan is xasuusino in qofkii dhashay 1991kii uu maanta jiro 37 sano intii qaangaarka ahaydna ay wax yar ka nool yihiin maanta oo ah 23/08/26 oo aan anigu ka mid ahay, mudada intaas le’eg mowjadaha masiibooyinka ah oo tii timaadaa tii kale ka daran tahay Maxaan u garan la’anahay waxa ay noogu dhacayaan?.
Waxaan khilaafnay in nala yiri (fIDNADA GACANTIINA KU SuULIYA, HADAAD KARIWEYDAAN AFKA HADAAD KARIWEYFAAN UURKA KA NACA) waa ka cududaaranayaa haddii aan Xadiiska wax ka qalday.
Fidnada Soomaaliya nin baa bilaabay oo albaabkeeda furay ka Doona helay kaaliyayaal bulshada uga dhexshaqeeyey ilaa ay gaartay in ugu yaraan dhammaanteen aan ka wada qaybqaadanay in aan is duleyno ilaa haddana aanaan toobadkeenin ee aan maanta marayno in aan kalaamkii Alle si cad u diidno oo ah (XARIGA ALLE QABSADA HANA KALA TAGINA) Alloow i cafi haddii aan aayada wax ka qalday.
Ogaada waxa aan suubinayno waa qorshe cadawga diinta Islaamka iyo dadka Soomaaliyeed dejiyey oo nala kugu soo dhiibay tira yar oo naga mid ah albaabka nala ka soo galaana waa qabyaalada oo noqotay iskugu faan ilaa maanta leenahay sagaal madaxweyne oo qabiileysan oo ay u danbanbayso Koofur Bari Soomaaliya .
Taas waxaa ka sii daran Ragii dhibaatada Soomaaliya haysata masuulka ka ahaa dhamaan waxaan dhisnay taalooyin anaga oo ku abaalmarinayna duliga ay na badeen, bal Ila eega:-
1-Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf waa ninkii curiyey fidnada.
2- Garoonka diyaaradaha Cadde Muuse waa hoggaamiyihii ciidankii Itoobiya ee qabsaday Galfohob iyo balanbale.
3- Garoonka diyaaradaha Maxamed Ibaraahin Cigaal waa ninkii yiri kala goynta iyo aqoonsiga Soomaalilaandhi shaydhaan xataa waa ula galaynaa.
4- Garoonka Coloneyl Shaati Shaatigaduud waa ninkii Itoobiya la soo saxiixday in aan Digil iyo Mirifle Soomaali ahayn ee ay yihiin Itoobiyaan.
5-Maxamed Faarax Caydiid waa ninkii bilaabay kala qaybinta iyo isku dirka qabaa,Ilka
Isku soo wadaduud asalka dhibaatada Soomaalida culumadu dhab uguma hadlin,aqoonyahanadu ma iftiimin, siyaasiyiintu kama Hadlaan oo waa lunsanyhiin, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka qabyaalada baa hoggaamisa.
Soomaaliyeey mays daba qabanaa oo ma toobadkeenaa?.
Wabilaahi Towfiiq
A.j. Faarax
Leave a Reply